Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirkii Shiinaha U Fadhiyay Israa’iil Oo Isagoo Meyd Ah Laga Helay Gurigiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tel Aviva)-Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Israa’iil oo isagoo meyd ah laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Tel Aviv, sida ay soo werisay warbaahinta Israa’iil.

Mr Du, oo 58 jir ah ayaa waxaa meydkiisa laga helay sariirtiisa ilaa haatana lama oga sababta ka dambeysa dhimashadiisa.

Waxa dalkaasi loo magacaabay bishii February ee sannadkan, waxa uu hore Shiinaha ugu fadhin jiray Ukraine. Safiirka waxa uu ahaa xaasle, waxa uu dhalay wiil keliya balse qoyskiisa.

Afhayeen u hadlay booliska Israa’iil ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay: ”Booliska haatan waxay ku sugan yihiin goobta si ay baadhitaan u sameeyaan.”

Telefishanka kanaal 12 ee Israa’iil oo soo xiganaya ilo wareedyo caafimaad oo aan la magacaabin ayaa sheegaya in Mr Du uu u geeriyooday isagoo hurda.

Farriin lagu daabacay bogga safaaradda magacaabistiisii kaddib, ayuu Mr Du ku ammaanay xidhiidhka u dhaxeeya dalkiisa Shiinaha iyo Israa’iil.

Jimcihii safaaraddiisa ayaa weerar afka ah ku qaadday Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo dhaleeceyay qaabkii uu Shiinaha ula tacaalay fayraska corona xilli uu ku sugnaa Israa’iil.

Jawaab lagu daabacay jariiradda Jerusalem Post ayay safaaraddu ku dhaleeceysay hadalka ka soo yeedhay Mike Pompeo iyagoo sheegay in Shiinuhu aanu weligii qarinin xaaladda fayraska corona.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this