Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii Hore Ee Maamul Goballeedka Galmudug Ee Soomaaliya Oo Socdaal Ku Jooga Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Galmudug ee dalka Soomaaliya Axmed Ducaale Geele Xaaf, ayaa socdaal ku jooga caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Mr. Xaaf ayaa Somaliland ka soo galay dhinaca dhulka, isagoo ka soo kicitimay Galmudug ka dib markii uu xilkii ku wareejiyay madaxweyne cusub oo loo doortay deegaankaas.

Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay socdaalka uu siyaasigan Soomaailya ud hashay ku joogo Hargeysa iyo ujeedada safarkiisaba. Sidoo kale Mr. Xaaf ayaan isna ka hadal socdaalkiisan.

Laakiin Axmed Ducaale Geele Xaaf, oo ka hor madaxtinimada Galmudug ahaa ganacsade caan ka ah gobalka Geeska Afrika, ayaa xidhiidh ganacsi la lahaa Somaliland, waxaanay dadka qaar sheegayaan inaanu socdaalkiisu wax xidhidh la lahayn arrimo siyaasadeed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this