Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland oo lagu dilay qarax ka dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax xoogan uu ka dhacay waqooyiga Magaaladaasi

Qaraxa ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in uu ka dhacay aaga Xarunta Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas.

Qaraxaas oo ahaa mid si weyn looga maqlay xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in lala beegsaday Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur-Yarre.

Sida loo xaqiijiyey Caasimadda Online, qaraxaas waxaa ku geeriyooday Guddoomiye Axmed Muuse Nuur-Yare oo ku sugnaa Xarunta Gobolka oo u dhow Madaxtooyada.

Sida BBC-da uu u sheegay taliyaha Qaybta Booliska Muumin Cabdi, Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo isku qarxiyey xarunta gobolka horteeda.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda gurmad kala duwan oo loo fidinayo dadka ku waxyeelobay qaraxaasi.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this