Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo Afgooye ku dagaalamay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab iyo ciidamada  dowladda uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmaadaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar gaadmo ahaa ku qaadeen fariisin ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Mukayga oo ka tirsan magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal socday muddo ku dhow hal saac uu ka qarxay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay dagaalkan, balse lama oga inta uu la’egyahay.

Dhanka kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shegay inay ka hortageen weerarka uga yimid dagaalyahanada Al-Shabaab.

Goobihii lagu diriray ayaa saaka degan, iyadoona ay dib u gurteen raggii weerarka qaaday, waxaana socda howlgallo cusub halkaasi ka bilaabay ciidamada dowladda.

Inta badan waxaa Afgooye weerar joogta ah ku soo qaada dagaalyanada Al-Shabaab oo ku sugan duleedka magaaladaasi, waxaana khasare uu ka soo gaaray dadka rayidka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this