Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan ee gobalka Banaadir ayaa ku waramaya in goor dhow qeybo ka mid ah degmadaasi uu ka dhacay qarax geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeysa Tarabuunka iyo Digfeer gaar ahaan agagaarka qabuuraha masjidka Cabdirashiis Sharma’ke ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo halkaas ku socdaalayay.

Wararka aan sidoo kale qaraxa ka helayno ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso mana jirto faahfaahin intaas dhaafsiisan oo laga helay.

Wariyeyaasha Goobjoog News oo tagay qaar ka mid ah isbitaalada Muqdisho ayaa waxa ay soo sheegayaan inay jiraan dhaawacyo la gaarsiisay isbitaallada kuwaas oo ku waxyeeloobay qaraxan.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this