Sign in to follow this  
Deeq A.

Waan-waan laga dhex waday Deni iyo Axmed Karaash oo fashil ku dhammaatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar saacadihii u dambeeyay soo baxay, ayaa sheegay in ay fashil ku dhammaatay waan-waantii laga dhex waday Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo sida la sheegayo saacadihii u dambeeyay dadaal xooggan ku bixiyay xallinta khilaafkaas, ayaa ugu dambeyntii ku guul-darraystay dhex-dhexaadintii labada mas’uul.

Ilo’ xog-ogaal ah ayaa Puntland post u xaqiijiyay, in Deni iyo Axmed Karaash mid kasta uu ku adkaysanayo mowqifkiisi hore, islamarkaana aan dhinacna tanaasul iyo isu’ soo dhawaansho muujin, sidaasi darteedna uu ku fashilmay dadaalkii Guddoomiyaha Baarlamanka.

Khilaafkan cusub ayaa bilowday 14-kii bishan May-2020 kadib markii Madaxweyne Deni magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo Madaxweyne ku xigeenku sheegay in aan lagala tashan.

Mudane Axmed Karaash, ayaa sheeegay in magacaabistaasi aysan sharciga waafaqsanayn, islamarkaana G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi oo Madaxweyne Deni uu xilka ka qaaday uu weli yahay taliye ku xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, wuxuu amar ku siiyay Taliye ku xigeenkii Madaxweyne Deni xilka ka qaaday in uusan u hoggaansamin xilka qaadista, balse uu sii wato waajibaadkiisa shaqo.

PUNTLAND POST

The post Waan-waan laga dhex waday Deni iyo Axmed Karaash oo fashil ku dhammaatay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this