Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose, kadib markii ay weerareen Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, ka dagaal markii dagaalyahno ka tirsan Al-Shabaab ay weerarka la bartilmaameedsadeen Koontarool ku yaalla halka loo yaqaano Mukayga ee magaaladaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana howlgallo baaritaano ah ka wada degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this