Deeq A. Posted May 17, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose, kadib markii ay weerareen Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, ka dagaal markii dagaalyahno ka tirsan Al-Shabaab ay weerarka la bartilmaameedsadeen Koontarool ku yaalla halka loo yaqaano Mukayga ee magaaladaasi. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana howlgallo baaritaano ah ka wada degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha magaaladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites