Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlwadaag oo u gudubtay wareega afar dhamaadka ee tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmooyinka Howlwadaag iyo Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa xalay ku baratamay tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle.

Labada degmo oo ka soo kala baxay group-yada A & B, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan aad u xiiso badan, hayeeshee waxaa guusha la hoyatay degmada Howlwadaag ee G/Banaadir.

Dayniile oo laga adkaaday ayaa la timid 8 dhibcood, halka Howlwadaag ay keensatay 12 buundo, sida uu natiitada ku dhawaaqay, Xasan-Weli Sheekh Abuubakar.

Dhanka kale waxaa caawa tartanka ku ballansan Hodan iyo Warta Nabadda, waxaana degmada guuleysata ay u gudbi doontaa wareega sama-finalka ee tartanka Shabelle.

Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this