Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo shaacisay in dishay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwa kelana ay nolosha ku qabatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada AMISOM ayaa waxaa looga hadlay, islamarkaana faah faahin looga bixiyey dagaal Jimcihii ka dhacay deegaanka Bilis Qooqani ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen saldhig ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi.

Qoraalka AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadooda ku sugan Bilis Qooqani ay joojiyeen weerarkaasi, islamaraana ay khasaare culus gaarsiiyeen Al-Shabaab.

AMISOM ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegatay in dagaalkaasi ay dishay saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwa kalena ay nolosha ku qabatay.

Sidoo kale waxay shaacisay in qoryo AK47 ah iyo rasaas fara badan ay ka furtay dagaalyahanadii weerarka soo qaaday, sida ay hadalka u dhigtay.

“Qeybta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ku sugan magaalada Bilis Qooqani ayaa jimcihii joojiyay weerar lagu qaadayay Ciidamada Amniga Jubaland (JSF), kaas oo lagu diley laguna qabtey dhowr argaggixiso ah, Ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku dhigay dhowr qori oo AK 47 ah iyo rasaas fara badan oo ay ka heleen xubno ka tirsan Al Shabaab oo la go’doomiyey intii lagu guda jiray weerarka ayaa lagu yiri”Warka Midowga Afrika.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska AMISOM.

Ugu dambeyn taliska guud ee howlgalka AMISOM ayaa ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalkooda ku amaanay sida ay uga hortageen weerarkaasi oo uu talisku sheegay inay ku dhaawacmeen oo kaliya labo askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland.

amisom-2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this