Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weerar ka fulisay gudaha dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Malayshiyaad hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la soo sheegaya in ay weerar ka fuliyeen gobolka Wajeer ee waqooyi bari waddanka Kenya.

Dableeyda ayaa weerar xooggan ku qaaday laba saldhig oo ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Gorof Xarar ee gobolka Wajeer halkaas oo ay ka gaysteen khasaare kala duwan.

Qoraal ka soo baxay Al-shabaab ayay ku sheegeen in malayshiyaadkoodu ay qabsadeen laba saldhig oo ay leeyihiin ciidamada Kenya islamarkaana ay gubeen xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Kenya ee SAFARICOM.

Sidoo kale warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa soo werisay in weerarkaasi dhacay balse faahfaahin dheeriya kama bixin khasaaraha ka dhashay.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo weerar ka fulisay gudaha dalka Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this