Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Qatar oo gargaar caafimaad oo looga hortagayo covid19 ku wareejisay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Qatar oo gargaar caafimaad oo looga hortagayo covid19 ku wareejisay Soomaaliyasharethis sharing button

 

2020516637252516285997695.jpg

Dowladda Qatar, ayaa Sabtidii shalay Muqdisho ka dajisay deeq gargaar caafimaad oo ay ugu talo gashay Soomaaliya, si looga hortago loona xakameeyo faafitaanka corona (Covid-19).

 q6.jpg q5.jpg q1.jpg

Bayaan kasoo baxay Sanduuqa Horumarinta Qadar (QFFD) oo loosoo wakiishay gargaarkaan caafimaad, ayaa wuxuu sheegay in 10 tan oo qalab caafimaad iyo agabyo kale, sida maaskaro iyo qalab loogu talagalay shaqaalaha caafimaadka, ay diyaarad milatari ka dajisay Muqdisho.

Agaasimaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Qatar (QFFD) Khalifa bin Jassim Al-Kuwari ayaa carabka ku adkeeyay in Qatar ay markasta garab istaagi doonto dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed xilligan adag iyadoo la siinayo kaalmooyin bini’aadanimo iyo in lagu taageero mashaariic horumarineed.

Wuxuu xusay in sanduuqa horumarinta Qatar oo lasoo gaabiyo QFFD uu bixiyay gargaar bina-aadamnimo oo deg deg ah intii lagu jiray fatahaadii Soomaaliya ee dabayaaqadii sanadkii hore, oo ay weheliso kaalmo lacageed iyo mid caafimaad oo loogu tala galay dhibanayaashii qaraxii dhowaan ka dhacay Muqdisho, iyadoo kuwii dhaawacmay loo qaaday Doha.

Sanduuqa Horumarinta Qadar (QFFD) wuxuu sidoo kale sheegay inuu Soomaaliya ka fulinayo mashaariic horumarineed oo kala duwan, kuwa ugu muhiimsanna waa mashruuca Wadada isku xidhta Muqdisho iyo Jowhar oo ku kacaysa $ 165 milyan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this