Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciyaartoydii Maraykanka Qaarkood oo dhac & Boob bilaabay+Kuwo booliisku raadinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Deandre Baker, left, and Quinton DunbarDeandre Baker oo ka tirsan kooxda New York Giants iyo Quinton Dunbar oo isna u ciyaara kooxda Seattle Seahawks ayaa la sheegay inay dhac hubaysan u geysteen dad marti ah.

Booliiska gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa baadi goob ugu jira laba ka mid ah ciyaaryahanada kubada cagta Mareykanka ee loo yaqaan NFL kuwaasi oo lagu eedeeyey inay dad ay dhac ugu geysteen guri uu ka socotay xaflad.

Deandre Baker oo ka tirsan kooxda New York Giants iyo Quinton Dunbar oo isna u ciyaara kooxda Seattle Seahawks ayaa la sheegay inay dhac hubaysan u geysteen dad marti ah.

Wararka ayaa sheegaya in lacag gaaraysa $ 12, 000 oo caddaan ah iyo saacado qiimahoodu gaarayo £ 25,000 dadkaasi laga qaatay.

Labada nin midkood ayaanay Booliisku xirin. Haweenay Booliiska u hadashay ayaa sheegtay in masuuliyiintu ay xiriir la sameeyeen madaxda xiriirka cayaaraha NFL iyo qareenka mid ka mid ah ciyaartoyda.

“Dhab ahaantii waxaa jira dadaal ku aadan in ay iyagu isa soo dhiibaan” ayay tiri Tania Rues oo u hadashay Booliiska Miramar , xilii ay u waramaysay wargeyska New York Times.

Sida laga soo xigtay Booliiska waxaa la soo saarar amar xarig. Dhacdada ayaa dhacday ka gadaal markii uu muran ka dilaacay xaflad guri ka socotay, halkaasi oo martidu ku ciyaaraysay turub iyo ciyaaraha kumbuyutarada.

Baker ayaa lagu eedeeyey in uu buntuq la soo baxay, ka dibna isaga, Dunbar iyo nin kale oo wajiga maasakaro guduuddan ku soo xirtay ay bilaabeen in ay dadkii ka urursadaan lacag iyo waxyaabo qaali ah.

Ninka wajiga ku soo qarsaday maskaraha guduudan ayaan wali la aqoonsan. Baker ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu dalbaday in la toogto qof marqaati ahaa, laakiin ninka wajiga maaskaraha guduudan ku xirtay ma aanu sameyn sidaa.

(1/2) A warrant to arrest has been issued for Deandre Baker, of the @Giants (four counts of Armed Robbery with a Firearm and four counts of Aggravated Assault with a Firearm.) Quinton Dunbar of the @Seahawks also has a warrant to arrest for four counts of Armed Robbery with a pic.twitter.com/vDDWMjYDaO

— Miramar Police (@MiramarPD) May 14, 2020

Saddex nin ayaa ku baxsaday gawaari, kala ah Mercedes Benz, Lamborghini iyo BMW.

Oobiga Booliiska ayaa qof marqaati ah uu ku xusay ” In sida muuqataa ay taasi aheyd wax qorsheysan”, maadaama saddexda nin ay ku baxsadeen gawaari, maadaama saddexda gaari ee lagu cararay “goor dambe loo diyaariyey si ay uga goobtaan deg deg uga dhaqaaqi karaan”.

Baker, oo 22 sano jir, ayaa wajahaya 8 dacwo guud ahaan kuwaasi oo kala ah afar burcadnimo hubaysan. Dunbar oo 27 sano jir ah ayaa isaguna lagu soo oogay afar dacwo oo burcadnimo hubaysan ah.

Xiriirka cayaaaraha kubada cagta Mareykanka ee NFL ayaa sheegay in ay ka warhayaan dhacdada laakiin wax hadal ah kama dhiiban. Warsaxaafadeed ay soo saartay kooxda New York Giants ayaa lagu xusay in ay xiriir la sameeyeen Deandre Baker isla markaana aanay wax macluumaad ah ka bixineyn. Kooxda Seattle Seahawks ayaa iyaguna sheegay inay ka warqabaan xaaladda isla markaana ay isku dayayaan inay xog ururiyaan, iyagoo wixii su’aalo ku weeciyey baarayaasha NFL

Qareenka Dunbar, ayaa sheegay in shan qof oo marqaatiyaal ah ay ku dhaarteen in macmiilkiisu aanu ku lug laheyn boobka.

Qareen Michael Grieco ayaa u sheegay wargeyska Miami Herald in macluumaadka Jimcihii loo gudbiyey dambi baarayaasha, laakiin ay dalbadeen in Dumbar uu isa soo dhiibo.

Mr Greico ma sheegin in Dunbar uu qorsheynayo in isku soo dhiibayo masuuliyiinta iyo in kale, sida wargeysku soo wariyey.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this