Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kaamirooyinka CCTV ee magaalada Muqdisho oo loo sameeyay ciidan ilaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii ay Al-Shabaab laba jeer ay qaraxyo ku xireen kaamirooyinka wax duuba ee lagu xiray wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa dowladda Soomaaliya waxay u sameysay ciidan gaar ah oo ilaaliyo kaamirooyinkaas oo amaanka qeyb weyn ka qaatay.

Ciidankaan oo ah dhallinyaro aan laheyn wax lagu aqoonsado ayaa ilaaliyo Kaamirooyinka waxaana aad u adag in la ag fariisto, la ag istaago, gaari la ag dhigto ama nawaaxigeeda ay noqoto meel lagu sheekeesto.

Dhowr qof oo ku nool Muqdisho ayaa la kulmay iyagoo ag jooga Kaamirooyinka dhallinyaro daqiiqado kadib u yimid oo amraya iney ka fogaadaan goobta. Dhalinyaradaas waxay wataan dhar caadi ah, waxaana la sheegay in halkii kaamiraba ay habeen iyo maalin ilaaliyaan 2 ilaa 3 askari.

Arrintaan ayaa sababtay in bilooyinkii la soo dhaafay xal loo helay qaraxyadii lagu xiri jiray Kaamirooyinka oo dhowr jeer waxyeeleeyey qalabkaas oo muhiim u ah ammaanka Muqdisho, sida ay sheeeen mas’uuliyiinta amniga.

Qubarada amniga ayaa soo dhaweeyay Kaamirooyinka iyo ciidanka loo sameeyay, kuwaas oo wax weyn ka beddalay ammaanka Muqdisho, waxayse mas’uuliyiinta amniga ugu baaqeen in la furo ama la durjiyo goobaha ay ka kala xiran tahay magaalada oo dhib badan ay ku qabaan shacabka Muqdisho.

Muddo ku dhaw hal sano ayey kala xiran tahay magaalada Muqdisho, waxayna arrintaas sababtay in hoos u dhaco dhaqaalihii dalka sida ay qabaan ganacsatada magaalada Muqdisho hase yeeshee waxaa la sheegay in amniga ku fiicnaaday waddooyinka xiran ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this