Sign in to follow this  
Deeq A.

Caddaanka Africa joogaa waa wada Dhakhtar !!!

Recommended Posts

Deeq A.   
1375080_10205821083560134_69716588003736

 

Caddaanka Afrika Joogaa waa wada Dhakhtar !

Asalaamu Calaykum

Dabayaaqadii Sannadkii 1992 kii mar aan ka shaqayn jiray Idaacada Radio Hargeysa iyo Wargeys la odhan jiray Baraarug ayaa waxaa maqaal uu Xaashi-bayaad ah ku soo qoray noo keenay nin aanan imika magaciisa xasuusan oo aqoon aad u sarraysa u lahaa arrimaha Caafimaadka iyo waxayaabaha cudurrada keena iyo kuwa aan keenin, maqaalkaas oo uu iga codsaday inaanu Joornaalka ugu qorno isla markaasna aan idaacada u gudbiyo ayaa cinwaanka maqaalku waxa uu ahaa “caddaanka Afrika joogaa waa wada dhakhtar”.

Xiligaas Dalka waxaa ka jirtay xaallad aad u qallafsan, waxaana badi dadka magaalada Hargeysa ku nooli ay ka cabi jireen ceelal yarar oo laga dhex qoday Dooxa weyn ee Hargeysa oo Dameeraha lagu soo dhaamin jiray, dadka qaarkoodna waxa ay biyaha kusoo xambaaran jireen jirikaano ay kala yimaadeen Xeryihii Qaxootiyada ee Dulcad iyo Darroor ay ka midka ahaayeen ee loo qaxay xiligii dagaalada 1988, booyaduhuna way yarayeen, biyo qasabadeedna may jirin.

Hadaba xiligaas waxaa jiray Foostooyin waaweyn oo ay ku jireen Suntii Ayaxa oo yaallay Xerada Ayaxa ee Magaalada Hargeysa oo ku taallay dhinaca Galbeed ee Xaafada Isha Boorama, foostooyinkii ayaa inta suntii laga daadiyay la gurtay, suntiina dooxa ayay soo raacday oo daadka ayaa soo qaaday oo Dooxa ku daray.

Hay’ado tiro yaraa oo waagaas Dalka ku sugnaa ayaa bilaabay inay dadweynaha reer Hargeysa ku wacyi geliyaan inaanay Biyaha Dooxa cabin, maadaama Suntii Ayaxa ee la daadiyay ay Ceelasha geli karto oo ay Caafimaadka dadka wax yeelli karto.

Nasiib darro meel kale oo ay Ummadu ka cabtaaba may jiran ee dooxa ayuunbaa loo aroori jiray, waxaana arrintaasi ay walaac ku abuurtay dadweynihii oo aan haysan meel kale oo ay Biyo u doontaan, sida hore aynu usoo sheegnayna duruufta uu Dalku ku jirayna waxay ahayd mid qadhaadh, waxaana xiligaasi uu ahaa xilli laga soo guurayay Xeryihii Qaxootiyada, qof kastaana gurigiisii oo dumay ayuu Teendho iyo waab yar ka ag dhistay.

Hadaba Ninkan Khabiirka ahaa oo ahaa Muwaadin Aqoonyahan ah laakiin ay ka muuqatay duruufta iyo dacdarrada dalka ka jirtay, ayaa maqaalkiisa si waafi ah oo ay aqooni ku dheehan tahay ugu faahfaahiyay inaanay suntaasi ahayn mid cidna wax yeellaysa oo ay mawjadii u horreysay ee daadku ay dhufatay, sidaas darteedna ay dadku shakiga iska saaraan oo ay biyaha dooxa ka cabbaan. Waxa kale oo ninkaasi uu sheegay in Qof kasta oo Cad aanay dadku dhakhtar moodin oo aanay taladiisa raacin. Dadweynihii sidoodii hore ayay Dooxa uga cabbayeen iyaga oo aanay Suntiina waxba yeellin.

Waxa arrintan isoo xasuusiyay Sheekada ninkii dhawaan durayay Mishiinada lagu baadho COVID-19.

Waxaan qoraalkan ku soo gebogabaynayaa inaan idhaahdo;

Qof Kasta oo CILAAJ ama COOSHAD yar meel ka furtaaba DHAKHTAR MAAHA !

Aad uga taxadira, Wasaaradiina Caafimaadkana ku Kalsoonaada oo la Shaqeeya.

Waad Mahadsan tihiin

Amb Kaysar Maxamed

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this