Deeq A. Posted May 16, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa Safiirka Qatar ee Soomaaliya ka guddoontay dawo iyo agab caafimaad oo dowladda Qatar ay ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan. Munaasabaddii deeqdaasi lagula soo wareegayay waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda, Wasiirka caafimaadka iyo saraakiil ka socotay Safaaradda Qatar ay ku leedahay Muqdisho. Deeqdan ka timid dowladda Qatar ayaa qeyb ka qaadaneysa dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto sidii looga hortagi lahaa faafitaanka cudurka Caronavirus. Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta kahor tagga iyo xakemynta cudurka halista badan ee COVID-19 ayaa qalabkaan u adeegsaneysa dagaalka loogu jiro xakameynta Faafitaanka Feyruska Karoona. Hoos ka daawo muqaalka Share this post Link to post Share on other sites