Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Mire Indha-yare oo ka hadlay in beertiisa lagula kala wareegay Silvia Romano

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii warbaahintaTalyaaniga qaarkood ay baahiyeen in Silvia Romaano oo ahayd gabar u dhalatay dalka Talyaaniga islamarkaana maxbuus ahaan ay uheysteen Al-Shabaab in lagu kala wareegay sii deysmadeeda beerta Mire Cismaan Warsame “Mire Indha-Yare” oo ku taallo degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa arrintaas waxaa ka hadlay ganacsade Mire Indha-yare.

Wargeyska La Repubblica oo xogtan baahiyey ayaa yiri “Is-dhaafsiga Silvia iyo lacagta madax-furashada ayaa ka dhacay meel u dhow beerta Xaaji Mire Indha Yare, oo ahaa mudane xubin ka ahaa kooxdii “Il Manifesto”, taasi oo 1989-kii ayada oo uu hogayo qareen Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble, kasoo horjeestay Maxamed Siyaad Barre.?

Mire Indha-yare, oo ah guddoomiyaha qeybta beeraha ee rugta ganacsiga Soomaaliyeed,  islamarkaana maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inaysan jirin cid beertiisa kula wareegtay Silvia Romano, hadalkaane uu yahay waxba kama jiraan, sida uu hadalka u dhigay.

Mire Indha-yare ayaa sheegay in uusan ku lug lageyn arrimaha haweeneydaas, islamarkaana beertiisa aysan aheyn goobta lagula kala wareegay balse warbaahinta qaar ay xogta si qaldan ku gaartay.

“Waxaan beeninayaa wararka sheegaya in beertayda oo Afgooye ku taallo lagu kala wareegay haweeneydii Talyaaniga aheyd,” ayuu Mire Indha-yare.

Sidoo kale waxa uu iska fogeeyay ku lug lahaanshiyaha arrimaha siyaasadda isagoo dalbaday in aan laga been sheegin beertiisa.

Sii deysmada Silvia Romano ayaa waxaa ka qeyb qaatay sida la sheegay sirdoonada Talyaaniga, Turkiga, Qatar iyo Soomaaliya waxaana maalma ka hor dib loogu celiyay dalkeeda hooyo ee Talyaaniga. Silvia ayaa lagu sii daayey lacag madax-furasho ah, oo cadadkeeda uusan caddeyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this