Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo toogasho ku fulisay askari dil ka geystay magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Jubbaland xukun dil ah ay ku fulisay askari xalay askari kale ku dilay gudaha magaaladaasi.

Askariga maanta la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Maxamed Cabdinaasir, wuxuuna ka mid ahaa ilaalada Madaxtooyada Jubbaland.

Askariga xalay lagu dilay Kismaayo ayaa isna sidoo kale ka mid ahaa ciidamada ilaaladda Madaxtooyadda maamulkaasi.

Dilka ayaa yimid ka dib markii uu muran xoogan soo gala dhex galay labada askari.

Jubbaland ayaa xukun deg-deg ah ku fulisa askarta iyo shaqsiyaadka kale ee gacanta lagu dhigo ee dilalka ka geysta magaalada Kismaayo ee caasimada gobolka J/Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this