Sign in to follow this  
Deeq A.

Dayniile iyo Howlwadaag oo caawa ku ballansan tartan aqooneedka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Tartan aqooneedka Shabelle oo haatan maraya wareegiisa labaad ee is-reeb-reebka ayaa waxaa caawa ku madlay degmooyinka Dayniile iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Labada degmo ayaa ka soo kala baxay group-yada A iyo B, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dayniile iyo Howlwadaag sidoo kale degmada guuleysata ayaa caawa iska xaadirin doonto wareega afar dhammaadka ee tartanka Shabelle.

Dhinaca kale Xamaweyne ayaa noqotay xalay degmadii ugu horreysay ee iska xaadirisa wareega Sama-finalka ee tartanka, kadib markii ay ka badisay degmada Wadajir.

Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this