Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo magacaabay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta oo Sabtiya Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen cusub u magacaabay, Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, oo ku taariikhaysan 16-May-2020 oo ku beegan Maanta, ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus loogu magacaabay G/sare. Maxamuud Cabdi Maxamed.

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus, ayaa isna loo magacaabay G/sare. Cawil Jaamac Nuur, sida ku xusan Dikreetada uu soo saaray Madaxweyne Deni.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaabay shan Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida kuwaas oo kala ah; G/sare. Maxamed Cabdi Bootaan, G/le. Keenadiid Cabdicasiis Axmed, G/sare. Cali Faarax Caydiid, G/sare. Cabdi Cali Jaamac iyo /sare. Maxamuud Faarax Maxamed.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo magacaabay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this