Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo gacanta ku dhigtay gaari laga soo dhacay Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay gaari nooca raaxada ah oo laga soo dhacay dhanka koonfureed magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

War ka soo baxay taliska Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay gacanta ku hayaan gaarigaasi, islamarkaana ay xogtiisa ay la soo wadaageen dadka shacabka ah.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ha’adaha amniga Puntland iyo Galmudug ay xoojin doonaan wadashaqeynta, si loo xoojiyo amniga magaaladaasi.

“Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland waxey ku guuleysteen in ay soo qabtaan Gaarigii Probox-ka ahaa ee laga soo dhacay Galmudug, Taliska Booliska waxeey xoojin doonaan wada shaqeeynta laamaha amniga ee Galmudug iyo Puntland ee Gobolka Mudug” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Puntland.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this