Sign in to follow this  
Deeq A.

Hormuud Foundation iyo Salaam Bank oo deeq lacageed gaarsiiyay qoysas dan yar ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilaa 200  oo ruux oo isugu jira haween iyo rag ayaa kafa’ideestay deeq gargaar lacageed oo maanta Hormuud Foundation iyo Salaam Bank ay gaarsiiyeen dad danyar ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba oo laga soo dhex xulay kaamam ku yaala magaalada Muqdisho

Munaasabad lagu qeybinayay deeqda oo ka dhacday xarunta Dhalinyarada gobolka Banaadir oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka iyo haweenka gobolka Banaadir ayna goobjoog ka ahayeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu horeyn waxaa daahfuray Rowda Xaashi Yuusuf oo ah xubin katirsan Wasaarada Hameenka.

Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Banaadir Abdi Kaafi Maxamuud Makaran iyo gudoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir Jawaahir Baarqab iyo Xildhibaanad Caasha Koos oo iyaguna goobta kahadlay ayaa ku amaanay Hormuud Foundation iyo Salaam Bak dowrka ay uga jiraan bulshada iyaga oo uga mahadceliyay sida mar waliba ay caawinaada ula garabtaaganyihiin dadka danta yar.

Madaxa Hormuud foundation Cabdullahi Nuur Cusmaan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay barnaamij taxane ah oo ay soo wadeen Hormuud foundation iyo Salaam bank taasi oo ay ku caawinayeen dadka danta yar maadama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan isagoo ugu baaqay shacabiga Soomaaliyeed in ay iscaawiyaan.

Dadkii ka faa’ideystay deeqda ayaa dhinocooda ka mahadceliyay gargaarka maanta ay soo gaarsiiyeen Hormuud foundation iyo Salaam bank iyagoo sheegay in wax badan nolooshooda ay katari doonto xiligii ay u baahnaayeena ay kusoo aaday maadaama lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA:

1 2 3 5

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this