Deeq A. Posted May 16, 2020 (SLT-Hargeysa)-Garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa Maanta oo sabti waxaa ka soo degtay diyaarad sida qalab Caafimaad oo looga talagalay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo saameeyn ku yeeshay adduunka oo dhan. Diyaaradaan ayaa waxaa ay ka timid wadanka Qatar, waxaana la sheegay inay wado qalab Caafimaad oo ay Qatar ugu deeqay Somaliland, kuwaas oo iskugu jira kuwo lagaga hortagayo Cudurka Coronavirus iyo kuwo lagula tacaalayo. Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa deeqda Caafimaad kula wareegya Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, iyagoona u mahadceliyay Qatar, sidoo kalena sheegay in Gargaarka uu kusoo aaday xilli loo baahan yahay. Source Share this post Link to post Share on other sites