Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo looga hortagayo Coronavirus oo la soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa ku guuleystay inuu soo saaro daawo loogu talagalay cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya caalamka.

Fox News ayaa shaacisay in Saynisyahanno ka tirsan shirkadda ku takhasustay cilmiga bayoolajiga ee California ay soo heleen daawo looga hortagayo cudurka Covid-19.

‘Waxaan dooneynaa inaan carabka ku adkeyno in ay jirto daawo.” ayaa yiri maamulaha Sorrento, Dr Henry Ji, oo la hadlay Fox News.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay soo saari karaan, hadii ay helaan ogolaansho illaa 200,000 bil-weliba.

Shirkadda Sorrento ayaa sidoo kale oggolaansho deg-deg ah ka dalbatay maamulka cuntada iyo daawooyinka ee Mareykanka (FDA), balse weli ma helin wax jawaab ah.

Mareykanka ayaa ka mid ah wadamada uu sida daran u sameeyey Coronavirus oo ka soo bilowday Shiinaha, islamarkaana ku faafay dalal badan oo Soomaaliya ay ku jirto

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this