Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal mar kale laga cabsi qabo inuu ka qarxo Wanlaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Wanlaweyn (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Wanwaleyn ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya inay halkaas ka jirto cabsi ku aadan inuu mar kale dagaal Beeleed ku dhexmaro laba Beelood oo dhawaan halkaas ku dagaalamay.

Cabsida ayaa timid kadib markii labada dhinac ay bilaabeen hub aruursi, waxayna labada ciidan kala joogaan labada dhinac ee Magaalada Wanlaweyn.

Dadweynaha ku dhaqan gudaha Magaalada ayaa bilaabay inay isaga barakaceen si ay dhibaato uga soo gaarin dhinacyada dagaalka isku diyaarinayo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee dagaalka uga daran ay tahay in kooxaha dagaalamayo ay dadka shacabka ah guryaha ugu galayaan isla markaasna ay u dilayaan aano qabiil.

Labadaan Beel  ayaa bil ka hor ku dagaalamay halkaas, waxaana dagaalkooda ku dhintay 10 qof oo u badnaa Dad Shacab ah iyadoo ay xusid mudan tahay in dadka qaar la gubay.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo dhawaan halkaas tagtay ayaa sheegtay inay dib u heshiisiin dhex dhigtay labada dhinac ee dagaalamay, waxayna ugu hanjabtay ciddii mar kale dagaal bilowdo inay la tiigsan doonto sharciga balse waxaa muuqato in amarkii maxkamadda uusan fulin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this