Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney Ka Soo Jeedda Itoobiya Oo Wasiir Ka Noqotay Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tel Aviva)-Haweeneyda wasiirnimada Israa’iil ay u magacaawday oo lagu magacaabo Nita Tamano Shata waxay ka mid ahayd Yuhuudda Itoobiya ee Israa’iil dib looga celiyey.

Haweeneydan oo noqotay haweeneydi ugu horreysay oo Yuhuudda Itoobiya ka soo jeedda oo golaha wasiirrada Israa’iil ka mid noqoto,

Golaha wasiirrada cususb ee Israa’iil ayaa in mudda ah dib u dhacay kaddib marki ay dowladda wadajirka ee ay xisbiyadu dhisayeen lagu heshiin waayey ugu dambeyna la filayo in Axadda barri ah la dhaariyo wasiirrada cusub.

Nita oo ka tirsan Xisbiga Ra’isal wasaaraha cususb ee Israa’iil Beni Gantez ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha qoxootiga.

Xilligi ay Itoobiya ka arrimineysay dowladda millatariga uu hoggaanka u hayey Mangistu Haylamaaryaam 1984-1985 ayey sirdoonka Israa’iil ee Mosad howlgal ay fuliyeen dadki lagu qaaday ka mid ahayd, xilligaasi oo ay Nati da’deedu ahayd 3 jir.

Nita Tamano Shata waxay hore uga soo shaqeyneysay xirfadda wariyenimada

Xilligaasi oo 16,000 oo yahuudda Itoobiya ay lug ku tageen dalka Suudaan kaddibna halkaasi diyaarado ay Israa’iil leedahay looga daad gureyey. Inta ay dadkaasi waddada u dhaxeeysa Itoobiya iyo Suudaan ku sii jireen waxaa dhibaatooyin kala duduwan ku nafwaayey 1,500 oo qof.

Yuhuudda Itoobiya laga qaaday oo Israa’iil la geeyey ayaa marar badan ka cawda cunsuriyad ay kala kulmaan yuhuudda inteeda kale.

Israa’iil oo ay xilligaasi xurguf siyaasadeed oo aad u xun oo sababay iney dagaalla qaraar dhacaan kala dhaxeysay waddamada carabta ayaa Suudaan oo ka mid ah dalalka carabta Israa’iil u adeegsatay marin ay dadkaasi sii mariso.

Yuhuudda Itoobiya ee ku nool Israa’iil oo haatan tiradooda lagu qayaaso 140,000 oo intooda badan shaqa la’aan ah ayaa ka mid ah muwaaddininta Israa’iil ee saboolka ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this