Sign in to follow this  
Deeq A.

Khubaro Shaaciyay Inay Heleen Daawo Looga Hortagi Karo COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-California)-Koox Saynisyahanno oo ka tirsan shirkadda Cilmiga bayoolajiga Mareykanka ee fadhigeeda yahay California ayaa ku dhawaaqay in ay heleen daawo lagaga hortigi karo Cudurka Corona Virus.

Madaxda sare ee Shirkadan ay sheegay in dawada loo yaqaan ‘STI-1499 antibody’ ay ogadeen in ay joojinkarto in uu ku faafo jirka bani’aadamka xanuunka Corona Virus tijaabooyin la sameeyay kadib.

War-saxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Cilmiga bayoolajiga Sorrento waxaa lagu sheegay in ay soo saari karaan illaa 200,000 bil walba, balse ay u baahan tahay ogolaanshaha Dowladda Mareykanka.

Shirkadda Sorrento ayaa sheegtay in ay rumeysan tahay in wax weyn ay ka tari karto daawadaan SARS-CoV-2, oo ah Virus horseedi karo inuu si fudud u faafo xanuunka COVID-19.

Shirkadda ayaa ka warbixisay baadhitaankeedii iyada oo ku dhawaaqday in ay heshay Daawo 100% ka hortagi karto SARS-CoV-2.

War saxafadeedkan oo jimcihii shalay ka soo baxay Shirkadda Sorrento ayaa lagu sheegay in Shirkadda ay rumeysan tahay in Daawadan loogu magac daray STI-1499 ay tahay midda uga haboon ee lagula dagaalami karo xanuunkan halista ah ee Corona Virus.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this