Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA Oo Maxkamada ICJ Kala Hadashay In Dib Loo Dhigo Dhageysiga Dacwada Badda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Dowlada Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay la gaadhay maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada (ICJ) inay codsato kordhinta dhageysiga dacwada muranka xadka badda oo sannado socdey.

Dawladda Kenya waxay la gaadhay ICJ inay raadsato waqti dheeri ah iyada oo ay ugu wacan tahay masiibada ‘Covid-19’ inaanay suurto galin Karin in dacwada la qaado.

Waraaq ay u direen ICJ, qareennada difaaca Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay qirteen inay shaqadooda saameeysay masiibada covid 19.

Sida ay sheegayaan wararka, dowladda Soomaaliya ayaa si xoogan uga soo horjeesatay qorshayaasha Kenya ee ah inay dib u dhigto dacwadda badda waxayna ku eedeeysay Kenya inay raadineyso xal ka baxsan maxkamadda.

Saxaafaddu waxay sheegtey in bayaanka ay dowladda Soomaaliya u dirtay ICJ ay ku codsatay in dhageysiga loo qaato qaab muuqaal ah iyadoo la adeegsanayo tikniyoolajiyad casri ah si loo diido cudurdaarka Kenya.

Soomaaliya ayaa ku dooday in dacwadihii waaweynaa ee caalamiga ahaa ee la keenay ICJ ay horay u maqleen oo go’aan looga gaadhey qaab maqal iyo muuqaal ah, waxayna ugu baaqday ICJ in ayna waligood dib u dhigin dhageysiga kiiskaan.

ICJ bishii Nofeembar 2019, waxay oggolaatay inay hore ugu sii dhaqaaqdo dhageysiga muranka badda ee u dhexeeya labada dal ka dib markii ay labada waddan soo gudbiyeen dacwadahooda.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ), waaxda garsoorka ee ugu sarreysa Qaramada Midoobay, waxay go’aansatay in dib loo dhigo  dhageysiga kiiskaan illaa laga gaaro 8-da Juun 2020.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this