Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo diiday in dib loo dhigo dacwada Badda ee kala dhexeysa Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid dib u dhigidda dhageysiga dacwada badda iyadoo ku eedeysay Kenya inay dooneyso in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda.

Warqad ay dowladda Soomaaliya qortay waxay ku sheegtay in ay tahay markii saddexaad oo ay Kenya codsato in dib loo dhigo iyadoo ka cabatay cadaadiis diblumaasiyadeed oo weyn oo ka imaanaya dhinaca Kenya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo BBC weydiisay in arintaasi ay tahay mid laga garaabi karo ayaa yiri “waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xidhanyihiin.”

Sidoo kale wuxuu faah faahiyey Ra’iisul wasaare ku xigeenka cadaadis ay Soomaaliya sheegtay in ay saareyso Kenya, isagoona ka gaabsaday in wuu wax cad farta ku fiiqo.

“Horta mar walba waa jirtay in meel ka baxsan maxkamada ama ha noqoto African Union ama IGAD ha noqoto in rabitaanka Kenya uu ahaa in meel ka baxsan lagu qaado ama lagu dhegaysto sifo diblomaasiya, anagu se waxaanu aaminsanahay in ay tahay arintaas in la soo af-jaro maxkamadda gacanta ku haysaana ay ka garnaqo.” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn maxkamadda ICJ ayaa shaacisay in shaqadeeda ay ku wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka, islamarkaana ay dacwadaha ku dhegaysan doonto.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this