Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Puntland oo shaaciyey xaalado oo cudurka Coronavirus ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland oo soo saartay warbixinteeda maalinlaha ah ayaa ku shaacisay kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah.

Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in saacadihii la soo dhaafay maamulkaasi laga diiwaan-geliyey 11 xaaladood oo 7 ka mid ah ay rag yihiin, halka 4 kalena ay dumar yihiin.

Sidoo kale wasaarada caafimaadka Puntland ayaa shaacisay in dadka cusub ee xanuunka laga helay ay ku kala nool yihiin gobollada Nugaal iyo Bari ee maamulkaasi.

Tirada guud kiisaska Coronavirus ee Puntland ayaa haatan maraya 130 qof, halka dhimashaduna ay sii cagacageyneyso illaa shan ruux.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this