Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamarweyne oo xalay u gudubtay Sama-finalka tartan aqooneedka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle oo haatan maraya meel xiiso badan ayaa waxaa xalay ku baratamay illaa afar degmo oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Kulanka ugu horreeyey oo la qabtay 8:00 habeenimo ayaa waxaa isaga hor yimid Kaxda iyo Waabari, waxaana ay guushu raacday tartamayaasha degmada Waabari oo u gudbay wareega sideed dhammaadka, tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Guddoomiyaha guddiga tartanka, Xasan-Weli Sheekh Abuubakar oo ku dhawaaqay natiitada ayaa sheegay in Kaxda ay la timid 10, halka Waabari ay keensatay 12.

Sidoo kale waxaa xalay baratamay oo uu kulan kale oo xiiso badnaa dhexmaray degmooyinka Wadajir iyo Xamarweyne, kaas oo isna soo galay 10:00 habeenimo.

Labada degmo oo dadaal muujiyey ayaa waxaa guusha la hoyatay Xamarweyne oo la timid 12 dhibcood, halka Wadajir ay iyana la timid 10 buundo.

Degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa sidaasi ugu gudubtay wareega afar dhammaadka ama Sama-Finalka ee tartanka Shabelle.

Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this