Deeq A. Posted May 16, 2020 Xasan Guure Jaamac, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan Somaliland ayaa xalay Hargeysa ku geeriyooday sida uu xaqiijiyay Yuusuf Kayse, oo ka tirsan xisbiga UCID. Guure, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland sidoo kale waxa uu ka tirsanaa Ururkii SNM. Ilaa hadda Xanuunkuu u geeriyooday lama xaqiijin. Dhan kale guddoomiye Cirro ayaa tacsi u diray ehelka, Qaraabada asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Xassan Guure Jaamac. TACSIإِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعونَ Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, Qaraabada asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Xassan Guure Jaamac Oo hadda ku geeriyooday hoyga u ka degan yahay magaaladda hargeysa. Guddoomiyuhu wuxu marxumka ku sifeeyey in uu ahaa shaqsi halgan weyn u soo galay sidi umadda somaliland u heli laheyd caddaalad iyo dawladnimo dunidu aqoonsan tahay isaga oo kamid noqday saraakiishi SNM sidoo kale ahaa mujaahid magac weyn ku leh halganki dib u xorreynta Somaliland. Mujaahid Marxuum Xassan Guure wuxu ahaa odayaashi laf dhabarta iyo tiirasha u ahaa qaranka isagoo door weyn ku laha shirarki nabadeynta iyo dib u heshiisinta bulshada Somaliland, xilal badanna ka soo qabtay qaranka. Mujaahidku wuxu ahaa qof aan ka baydhin runta xaqana ku adima Guddoomiyuhu wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su’aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo carruurtii uu ka tagayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. wuxuna Guddoomiyuhu si gaar ah ugu tacsiyadeynaya Odayaasha Madasha Wada tashiga qaranka oo u Marxuumku muddooyinki u dambeeyey ahaa Guddoomiyahooda. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون Af-hayeenka Xisbiga WADDANIBarkhad Jaamac Batuun Source Share this post Link to post Share on other sites