Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoorqoor oo Soo Dhameystiray Liiska Golahiisa Wasiirada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay waxa uu soo dhameystiray liiska golahiisa wasiirada iyadoo la filay in madaxweynuhu uu liiskaan ku dhawaaqo.

Liiska masuuliyiin la magacaabay ayaa waxa ay isugu jiraan wasiir ku xigeenno iyo wasiir dowlayaal waxaana xusid mudan in masuuliyaan ay u badan yihiin dhalinyaro.

Xubnahan iyo kuwii iyaga ka horeeyay ee la magacaabay ayaa la filayaa in si wada jir ah loo hor geeyo golaha baarlamaanka Galmudug si ay u meel mariyaan.

Madaxweynaha Galmudug Qooqoor oo xafiiska jooga muddo ka badan 100 maalin ayaa la sheegay inay u suurta galeen waxyaabo badan oo maamulkiisa kor u qaadaya taas oo ay ugu horeyso dib u heshiisiinta uu ka sameeyay Galmudug.

Halkan ka akhriso Liiska

IMG-20200515-WA0070.jpg

IMG-20200515-WA0069.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this