Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya toogasho ka dhacday magaalada KISMAAYO

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay askari ka tirsanaa ciidamada ilaalada madaxtooyada maamulka Jubbaland loogu geystay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in toogashada uu fuliyey askari kale oo  ka mid ah ciidamada ilaalada madaxtooyada maamulkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Dilka ayaa yimid, kadib markii la sheegay in labada askari uu soo kala dhex-galay muran xoogan, kaas oo sababay in askariga geeriyooday rasaas lagu furo, taas oo keentay in meesha uu ku dhinto.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka Jubbaland ay isla markiiba gacanta ku dhigeen askarigii ka dambeeyey falkaasi toogashada ah.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga Jubbaland oo la xariira dhacdadaasi.

Inta badan dilalka ay isku geystaan askarta dhexdooda ayaa yimaada, kadib is-faham waa soo kala dhexgala ciidamada, taas oo marar badan ka dhacday gudaha dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this