Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo qabtay Gaari laga soo dhacay dhinaca Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa shaaciyay in ay gacanta ku soo dhigeen gaari nooca loo yaqaan Probox, oo todobaad ka hor laga soo dhacay Galmudug gaar ahaanna Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliisku ay ku guulaysteen soo qabashada Gaarigaas oo midabkiisu caddaan yahay, taargadiisuna tahay CN 721.

Qoraalka Taliska, laguma faahfaahin wakhtiga gacanta lagu soo dhigay Gaarigaas, halka laga soo qabtay iyo  haddii ay jirto in la qabtay ciddii soo dhacday, balse keliya waxa lagu soo kooban in Gaariga ay gacanta ku dhigeen Booliiska.

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, ayaa u mahad-celiyay Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo, oo sida ay sheegeen wada-shaqayn buuxda u muujiyay Ciidanka Booliiska, si loo xaqiijiyo Amniga.

Sidoo kale, waxay ballan-qaadeen in ay xoojin doonaan Wada-shaqaynta Laamaha Amniga Puntland iyo Galmudug, oo ka hawlgala labada dhinac ee Gobolka Mudug, si la isaga kaashado Sugidda Amniga Gobolkaas.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo qabtay Gaari laga soo dhacay dhinaca Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this