Sign in to follow this  
Deeq A.

Ayax diigaanyo ah oo ku habsaday degaanka Qarxis ee gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   
ayax.jpg?w=1000&ssl=1Kani waa sawir hore

Wararka ka imaanaya Tuulada Qarxis, oo ka tirsan degmada Eyl ee gobolka Nugaal, ayaa ku warramaya in Ayax diigaanyo ah(fara badan) ku habsaday dhul-daaqsimeed ballaaran, oo ku yaalla duleedka Bari ee Tuuladaasi.

Ayaxa ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii shalay ku habsaday dhul-daaqsimeedkaas, oo hoos yimaada tuulada Qarxis,  baaxaddiisana lagu qiyaasay 25KM isku wareeg ah, halkaas oo uu saacado kooban gudahood si ba’an u diirtay.

Dadka ku nool tuulada Qarxis iyo reer miyiga deggan nawaaxigeeda, oo saaka isku dayay in ay kiciyaan ayaxaas, ayaa soo sheegaya in aysan weli ku guulaysan, islamarkaana ay gurmad uga baahan yihiin dhanka dowladda.

Waxaa xusid mudan, in  shalay ay Garoowe soo gaareen laba  diyaaradood oo ah nooc loo yaqaan Helicopter-ka, kuwaas oo  loogu tala-galay in ay muddo 10 cisho ah Puntland ka sameeyaan buufinta Ayaxa.

Diyaaradahaas oo laga leeyahay dalka Canada, waxay ka socdaan mashruuc  ay fulintiisa iska kaashanayaan hay’adaha FOA iyo USAID, islamarkaan ay fududaynayso dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Ayax diigaanyo ah oo ku habsaday degaanka Qarxis ee gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this