Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka soo kordhay Khilaafkii Deni iyo Axmed Karaash?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanno, siyaasiyiin miisaanleh iyo isimo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa la xaqiijiyay in ay ku hawllan yihiin, xallinta khilaaf cusub oo ka dhex taagan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan.

Khilaafkan  labada mas’uul, ayaa ka bilowday magacaabistii taliyaha madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa, kadib markii madaxweyne ku xigeenku sheegay in aan lagala tashan magacaabistooda, islamarkaana uu soo saaray dikreeto uu ku burinayo tii madaxweyne Deni.

Dhinacyada ku hawllan xallinta muranka Deni iyo Axmed Karaash, ayaa la sheegayaa in ay mid kasta gaarkiisa taleefon ugala hadleen, si loo xalliyo khilaafka, balse ma jiro ilaa iyo haatan wax hada-hadal ah oo dhexmaray labada mas’uul.

Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Puntland,  ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay, in uu socdo dadaal xooggan oo ku wajahan, sidii loo dhammayn lahaa khilaafka taagan, oo ay ku tilmaameen mid aysan Puntland xamili Karin wakhtigaan.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka soo kordhay Khilaafkii Deni iyo Axmed Karaash? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this