Deeq A. Posted May 15, 2020 Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa caawa magacaabay xubno cusub oo ku biiray golihiisa wasiirrada, kuwaas oo iskugu jira wasiiru dowleyaal iyo wasiir ku xigeenno. Xubnahaan ayaa kala ah 11 wasiiru dowle iyo 25 wasiir ku xigeenno, waxaana lagu sheegay wareegtada lagu magacaabay in Madaxweynuhu uu magacaabidooda kala tashaday madaxweyne ku xigeenkiisa. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa 23-kii bishii Abriil illaa 25 wasaaradood u magacaabay wasiirro cusub, kuwaas oo aysan ku jirin wasiiru dowleyaal iyo wasiir ku xigeeno, isaga oo markaas balan qaaday in uu soo magacaabi doono xubnaha ka dhiman golihiisa wasiirrada. Halkan ka aqriso liiska xubnaha cusub ee ku biiraya xukuumadda Galmudug Share this post Link to post Share on other sites