Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanbaloolshe oo ka hadlay doorkii Qatar ee sii deynta Silvia) Romano, arrimo xasaasi ahna shaaciyey + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa laga wareystay arrimo ku saabsan doorka ay Qatar ku leedahay sii deynta gabadhii dhawaan laga sii daayay gacantga Al-Shabaab ee ilaa iyo 2018 lagu heystay gudaha Soomaaliya.

Silvia Romano oo 25-jir ah ayaa dib loogu celiyay dalkeeda muddo kadib, waxaana laga afduubtay Chakama oo ah xeeb ku taala gobolada Koonfur Bari dalka Kenya.

Sanbaloolshe, oo wareysi siinayay Telefashinka Al-Carabiya, ayaa wax badan laga weydiiyay doorka ay Qatar ku laheyd sii deynta Silvia, balse wuxuu ka dhawaajiyay ineysan jirin cid ogsoon xaqiiqda dhabta ah ee qaabkii Al-Shabaab looga sii daayay Silvia Romano.

“Lama oga doorka dhabta ah oo ay Qatar ku laheyd sii deynta shaqaalahii gar-gaarka ee Talyaaniga, balse dadka oo dhami wey ogyahiin taariikhda ay ku leedahay fududeynta, abaabulka iyo wadahadalada lacagaha madax furashada ee la siiyo kooxaha argagixisada ee aduunka si ay usii daayaan dadka ay heystaan,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Taliyihii hore wuxuu carabka ku dhuftay in Qatar ay door aan caadi aheyn ka ciyaartay arrintaan, iyadoo xiriir la sameysay xubanaha ugu jira gudaha Al-Shabaab iyo sidoo kale dad uu sheegay iney ku leeyahiin dowladda dhexe gaar ahaan hay’adda NISA.

“Waxaan shaki iiga jirin in dowladda Qatar ay door weyn ka ciyaarta sidii ay xiriir ula sameyn lahaayeen xubnaha ugu jira Al-Shabaab oo ay macaamilaan iyo shaqsiyaadka ugu jira dowladda Soomaaliya ee hadda gaar ahaan hay’adda sirdoonka,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe wuxuu dowladda Qatar ku eedeeyay iney tahay dowladda kaliya ee adduunka ka jirta, islamarkaana taageero u muujisa Al-Shabaab, wuxuuna madaxa hadda ee hay’adda NISA ku sheegay inuu yahay qofka ugu saameynta badan ee ay Qatar ku heysato gudaha Soomaaliya.

“Waxaa jirta istaraatiijiyad shaki weyn keentay oo ka dhaxeysa dowladda Qatar iyo xukuumadda hadda ka talisa Soomaaliya, taasina waxey sababtay in dowladda ay soo dhaweysato Qatar iyo lacagaheeda, islamarkaana ay iska fogeyso dalalka kale ee carbeed sida dowladdaha Imaaraadka iyo Sacuudiga,” ayuu sii raaciyay.

Sanbaloolshe oo wax laga weydiiyay hadii uu jiro xiriir ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo Qatar ayuu kaga jawaabay inuu jiro xiriir ka dhaxeeya labada dhinac, balse wuxuu sheegay inuusan xog fiican ka heynin qaabkii loo marayo sii deynta Silvia Romano.

Intaas kadib Sanbaloolshe wuxuu inyar ka hadlay qaabka ay dowladda Qatar lacagaha usoo gaarsiiso kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inuu aaminsan yahay in lacagahaas loo soo marsiiyo dad ku jira dowladda iyo ganacsato xiriir la leh hay’adaha Qatar.

Waxaa uu sheegay eedeymaha loo jeediyo Qatar ee xiriirka ay leedahay kooxaha xagjirka iyo kaalmada dhaqaale ay ku maal-geliyaan howlahooda aanu aheyn wax cusub, isla markaana Qatar ay had iyo jeer muddo sanado taageeri jirtay Al-Shabaab, iyagoo isticmaala waddooyin kala duwan.

Danjire Sanbaloolshe ayaa wax laga weydiiyay saameynta ay yeelan karto lacagaha uu sheegay inay dowladda Qatar ku bixineyso kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo waxa ay kaga dhigan tahay kooxdaan ka dagaalanta bariga Afrika ayuu ku jawaabay:

“Lacagaha madax furashada iyo kuwa kale oo ay Qatar siiso Al-Shabaab waxey qeyb weyn ka qaadaneysaa  weerarada ay kooxdaan ka fuliso Soomaaliya, Uganda iyo Kenya, sidoo kale waxaa loo adeegsanayaa weeraro ka dhan ah dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska,” ayuu yiri.

Sanbaloolshe ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay ilahaas dhaqaale ka saacidi karaan agaasinka weeraro argagixiso, askareynta dhalinyarada, iney is hubeyso, sidoo kalana agaasimaan qaraxyo iyo dagaalo ay ka fulinayaan gudaha Soomaaliya iyo wadamada Dariska.

Ugu dambeyntii Danjiraha ayaa fariin u diray dowladda Qatar oo uu aaminsan yahay iney taageero xoog leh siiso kooxaha argagixisada, wuxuuna sheegay in dunida oo dhan ay isha ku heyso.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO WAREYSIGA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this