Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar degmo oo caawa ku baratamaya tartan aqooneedka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulanka ugu horreeya ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle oo soo geli doono 8:00 habeenimo ayaa waxaa markale ku ballansan degmooyinka Kaxda iyo Waabari ee gobolka Banaadir, kadib markii ay xalay ka baaqdeen tartanka.

Labada degmo oo ku wada jira group-ka D ayaa guud ahaan u dambeeya, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kaxda iyo Waabari ayaa degmada guuleysata waxay u gudbi doontaa wareega sideed dhammaanka ee tartanka Shabelle, waxaana mid waliba ay soo badisay hal kulan, halka min kulan kalena ay soo galeen barbar dhac.

Dhinaca kale waxaa jira kulan kale oo u dhexeeya degmooyinka Wadajir iyo Xamarweyne , kuwaas oo lagu furi doono wareega labaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan, kaas oo soo geli doono 10:00 habeenimo, Insha allaah.

Wadajir iyo Xamarweyne ayaa degmada badisa waxa ay iska xaadirin doontaa wareega Sama-finaalka ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

Sidoo kale waxaa wareegan ku jira Dayniile oo ku dhici doonta dhiggeeda Howlwadaag, Marka oo ay iska hor imaan doonaan degmada soo baxda Kaxda iyo Waabari oo caawa ku ballansan tartan aqooneedka Shabelle iyo Hodan oo ay isku beegmi doonaan Warta Nabadda , Ex Wardhiigleys ee magaalada Muqdisho.

Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this