Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Buuraleyda ku dhexmaray Xarakada Al-shabaab & Ciidanka Puntland+Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal Buuraleyda ku dhexmaray Xarakada Al-shabaab & Ciidanka Puntland+Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac

 

puntland-300x184.jpg

Khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar Shalay galab malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan saldhiga Balli-Khadar ee Degaanka Bosaaso.

Ciidanka Daraawiishta Puntland weerarkaasi waxaa la xaqiijiyay in ay kaga dhinteen laba askari halka mid kalena ka dhaawacmay.

 

Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegaya in malayshiyaadka Al-shabaab ay doonayeen in ay weerar gaadmo ah ku qabsadaan saldhiga Balli-Khadar balse iska difaaceen weerarkaas.

Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish oo saldhiyo ku leh buuraha Galgala iyo Cal-Miskaad ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada Ciidamada Puntland ee Buuraleyda

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this