Deeq A. Posted May 15, 2020 Guddoomiye ku xigeenka degmada Bardaale ee gobolka Baay, Mudane Maxamed Isxaaq Xasan oo u warramay Shabelle ayaa ka warbixiyey xaaladda ammaan ee degmadaasi. Maxamed Isxaaq ayaa sheegay in amniga degmada uu haatan yahay mid wanaagsan, balse wuxuu tilmaamay in mararka qaar ay weeraro gaadmo ah kala kulmaan Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Bardaale inay ciidamada amniga kala shaqeeyaan sugida nabad-gelyada, si looga hortago wax kasta oo qatar ku ah amniga magaaladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-bardaale-1-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites