Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo deegaano hor leh kala wareegay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ay howlgal kula wareegeen deegaano cusub oo ka tirsan gobolkaasi.

Taliyaha guutada 9-aad, qeybta 60-aad ee gobolka Bakool Mukhtaar Maxamed Cabdullaahi (Geesey) oo ka warbixiyey howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan ayaa sheegay inay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo dhaca bariga magaalada Xudur ee K/ Soomaaliya.

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in deegaanada ay la wareegeen ay saldhigyo ku lahaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyadooda, inta Al-Shabaab laga saarayo gobollada Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this