Haashim Posted December 16, 2005 this bit is FUNNY but TRUE :cool: Hadday dumarku lacag leeyihiin MABA gaboobaabaane :rolleyes: Kol hadday qubays iyo wajiga bootar ku caddayso Lixdankii siddeed baan jireey kugu tiraahdaaye HEEDHE Jacaylkana anaa kala bartayoo wuu I daashadaye Gabdhahaan ay ka daba boodayaan lacag ma haystaane Habar kun iyo boqol haysataa la oggolaadaaye Soow hadda maad garan Sheekeeyooinkeedaana waa laga dhegeystaaye Hadday tiraahdo shan baan diiday waa laga dhegeystaaye Hadday tiraahdo cirkaan taabtay waa laga dhegeystaaye Hadday tiraahdo baddaan jiiray waa laga dhegeystaaye Hadday tiraahdo anaa kaa yar waa laga dhegeystaaye :confused: Gaarinimo kolkay sheegatee muranka dayn weydo Waxaa lagu yiraahdaa bullooy shaah inoo kariye Qaxwahay samaysaa hadduu muufo noqon waayo Kolkaa been inay sheegtay baa lagu ogaadaaye Soow hadda maad garan Ayaa lagu ogaadaaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abaadir Posted December 18, 2005 I like Dhoodaan. He is so funy and talented. here is some of his work. This is not Jacur though. 1. Gidigeeda Soomaalidaa guudka ka islaan dheh. Gun markaad u sii fiirisana gaalo taag daran dheh. 2. Nabi Muxamed baa loo jeclaa jaah mar la arkaaye (csw) Isagana waxaa lagu jirabay inuu jihaadaaye Idinkuna xornimo saa jirtaad jiif ka damacdeene 3. Waxaa murugo iyo qoomamiyo maanqashiyo ciil leh. Maskax iyo garaad iyo wixii muruqba kaa liita. Markuu adiga sharaftaad mudnayd kaa maroorsado e Naftu inay maqnaato iyo inay mahad ku noolaato. Maaweelis weeyaan haddii mid u dhexeeyaaye. 4. Waraabaha ku ruugaaya iyo aar ku raamsanaya Sidday kuugu kala roon yihiin maad u kala reebtid 5. Ninkii rodolna miisaama ee kiilo raajiciya Ee raasamaalkuu helaa rubuc ka hooseeyo Xisaabtaa inuu dib u rogrogo sow ra'yigu ma aha 6. Danbaaburiyo gaaraabidhaan fiid is daba yaacay. Danbas iyo wax nool kay yihiin daa'imaan garane. Dab iyo qiiqna waan kala aqaan saa duqbaan ahaye 7. Qof walaalkii gaday meel shishaa laga ganaaxaaye. Gacal uu xigaalkood hagraday gocosho dayn waaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted December 18, 2005 Looool Muraad,!! Do you have more jacbur in that writen format? This man is legend! dunno if he dead or not, but what a great abwaan!! Qaasatan mahaysa miduu ka shekenayo oo uu leeyahay wan aqaana shukansi gabar miyi iyo mid magaalo ....xanjadad u gadi agtaadey kasoo raamsata sidii hashaadiye! --00--00--00-- Warwareegayeey xaafadaha waan ka baqayaaye!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted December 18, 2005 This man is legend! dunno if he dead or not, but what a great abwaan!! Allamagan, the Abwaan is ALIVE, I met with him this year, August it was, he is still legend and can make you laugh with his endless stories. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haashim Posted December 18, 2005 Allamagan Sxb he is. so far I've written these parts, I will write all the JACBUR Inshsaallah soon including the bits you asked. in the meantime if you want to listen vist Hiiraan.com . have a look and enjoy it. .......... Inaan xididka sooriyo markaan sharafka doonaayo Intaan saxan buraanbura cusbada ugu macaaneeyo Oon geeraaradydii badnaa qaar u soo kariyo Oon gabay basbaas ugu daroo hello ugu qooyo Waa inaan bur soo qaatoo cuna iraahdaaye .. ma garaty … Dul badnaanta iyo deeqda waan kala aqaanaaye Rag casumaaddiisu waa inaad subax u yeertaaye Casar gaabadkii waa inaad qadada siisaaye Waa inay ka soo faraxashaan aqaLLadoodiiye Xeerada hadday kaa marshaan adigoo hor jooga Ama ay kula murmaan waa inaad FEER ka badisaaye Martidoo dhan waa inaad dabadeed lacag ka qaadaaye soow hadda maad garan ………………. Gabay kalana waan soo sidaa sidii xammalkaaye Soow hadda maad garan YAA Kubbad meel bannaan lala tagoo lagu ciyaaraayo Sidii habar sirwaal qaadatayoo laad ku kicinaysa Gabay fiican oo fiican baan anigu sheegaaye YAA Magaalo iyo reer badiyuu ficil dhex joogaaye Kolkuu shaararkii kaa gurto lacagna kaa qaato MAXAAD dhaqatay buu kugu yiraahdaa waayo dabadeede Soow hadda maad garan YAA Hadday dumarku lacag leeyihiin MABA gaboobaabaane Kol hadday qubays iyo wajiga bootar ku caddayso Lixdankii siddeed baan jireey kugu tiraahdaaye HEEDHE Jacaylkana anaa kala bartayoo wuu I daashadaye Gabdhahaan ay ka daba boodayaan lacag ma haystaane Habar kun iyo boqol haysataa la oggolaadaaye Soow hadda maad garan Sheekeeyooinkeedaana waa laga dhegeystaaye Hadday tiraahdo shan baan diiday waa laga dhegeystaaye Hadday tiraahdo cirkaan taabtay waa laga dhegeystaaye Hadday tiraahdo baddaan jiiray waa laga dhegeystaaye Hadday tiraahdo anaa kaa yar waa laga dhegeystaaye Gaarinimo kolkay sheegatee muranka dayn weydo Waxaa lagu yiraahdaa bullooy shaah inoo kariye Qaxwahay samaysaa hadduu muufo noqon waayo Kolkaa been inay sheegtay baa lagu ogaadaaye Soow hadda maad garan Ayaa lagu ogaadaaye .. Nin shukaansi doonaa yaqaan hadal macaankiisii Kolba tuu la jooguu yiraahdaa caashaq baan ahaye Muraad inaatn u jeedaana waa adigoo caynkaase Waxba lama jeclaanine gabdhaha waa la sirayaaye Dhallinyarada caynkaa u badan yaa la talin doona Soow hadda maad garan YAA Inan suuqa mulacyaysay oo diidday gurigooda …………… Sidii gabar macaan oo xareed lagu macaaneeyay Oo toob macaan qaadatay oo socd macaanaatay Oo kabo macaan iibsatay oo hadal macaan sheegtay Oo reer macaanina dhaleen oo guri macaan joogta Oo sariir macaan iyo aroos lagu macaaneeyay Oo sida gallaydoo macaan wada macaanaatay Gabaygaygu sida fuud macaan waa macaan yahaye Ma garatay YAA Gabar baan jeclaadayoo I jecel mana jecladeene Hadday I jeclaatana ma rabo inaan jeclaadaaye Ninkey jeclaatana LA WAA inuu jeclaadaaye Kii aan jeclayn waa iyadu inay jeclaataaye Jacaylkayga iyo keedu waa labo jeclaanoode Soow hadda maad garan Gabar sinaha dhuudhuuban waa inaan jeclaadaaye Tu naasuhu janjeeraan waa inaan jeclaadaaye Middii jeer la moodoo dhan waa inaan jeclaadaaye Garoobkii I soo jiidha waa inaan jeclaadaaye Islaan baradho jiidaysa waa inaan jeclaadaaye Duqdii jaadka gadanaysay waa inaan jeclaadaaye Habar jeenyo buurbuuran waa inaan jeclaadaaye YAA Wadaadaan jeclaaday ee dharaar macawista I siisay Gurigeeda waagaan tegay ee shaaha ii karisay Haasaaweheedii kolkuu sooba maran waayay Feerka iyo tantoomada sidii uguma boobeene Kolkay qaad I siin wayday baan mowdka ka adeejiyay Sidii gabar madoow oo casoo quruxda aad yaabto Oo gaaban oo dheer sidii kaman la feereeyay Ama habar bidaar leh oo dhakada xaadi kaga taallo Ama oday malkhabad soo xidhayoo guudka firanaaya Ama gorayo seetaysanoo LAADKA baranaysa Ama dacawo suuq taagan oo xoolo gadanysa Ama bakayle weyseysaty oo foodda dhiganaaya Ama labo digaag oo hodheel shaar ka gadanaysa YAA Doofaar hoggan lagu xirayoo keeno lagu riday Oo la xakameeyayoo indhaha laga saliideeyay Ama xoor hangool lala dhacaa waa is dibiriyaaye Anna gabayga sidii shaah qubtay baan kaga daryaanshaaye Amran waxaad tiraahdaa qalbigu muufo kaa noqoye Ifrax waxaad tiraahdaa dundumo soo dhacdaad tahaye Iftin waxaad tiraahdaa sidii doolligaad noqone Asli waxaad tiraahdaa adigaa jeer ka qurux wayne Ardo waxaad tiraahdaa haddaan kala maqnaanayno Waxba anigu taa kama qaboo adiyo yeelkaaye Aasiyo xawaasheey gabdhaha waad u sidataaye Waan ku soo nacnacayaa haddaan kuu imaadano e Waa inaan sidii labo is rabo kala maqnaanaaye Soow hadda maad garan Sidii baasto ciir lagu daray oo faanto lagu qooyay Ama badar gallay iyo haruur lagu madoobeeyay Ama habar yar oo toban jir ah oo naasku dhagaxoobay Oo daasad wadatoo xarrago dhan isu tuuraysa Quruxdaadu waa sida nal iyo booc tubaako ahe Soow hadda maad garan Geesiyadna waad tahay illeyn sharafku waa sade …. Nacaska sidiisii hooyasdaa waad la dirirtaaye Caydiyo dagaalkana gabdhaha waad ka badisaaye Ninkii kulahdlaa lagu yaqaan inaad dacwaysaaye Soow hadda maad garan Sida kaneecaday kaa baqaan darisyadiinuye Reeraha aashaankuuda waad jabin taqaanaaye Qofkii ku maagiyo naagahaad timaha jiidaaye Gabadhaa intaan caashaqay baan meeday leeyahaye Ninkii iga jeclaadaan rabaa inaan bureeyaaye Ammantaada maba sheegi karo caawo oo qura e Waxaad tahay macaan iyo kharaar la isku soo daraye Ama caano qaad iyo basbaas ay ku kariyeene Deggenaanta laafyaha markaad jagac ka siinayso Bushkuleeti nimaan fuushanayn gaari kari waaye Soow hadda maad garan Digaag dhalay waxaa laga lisaa baaldi caano ahe Muufada kolkaad shiiddo waa lagu qubaystaaye Saabuun la dubay waa inay maraq lahaataaye Shaydaan iblays guursadaa doolfin buu dhaliye Diid oo dhan kaan ugu jeclaa soow dameer ma ahan baan iraahdaa Ma garaty illeen gabygu waa gabaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haashim Posted December 18, 2005 Allamagan this is the piece you were looking for enjoy it Agtaaday ka soo Raamsataa sida hashaadaaye Waanigii iri markay naagtu I faalsaysayna HEEDHE Horta kabo fayga lagu joogoo ciribta loo dhoobay Iyo toob la soo gaabiyoo lowga kor u dhaafay Alaabtaa markay qaadatoo lacagna ay waydo Fitigfaatigleeyay markay dabada sayrayso Ciddi tiikhan weeyee hadday saynta kor u qaaddo Soow hadda maad garan Laamiga kolkay joogsatee tumasho doonayso Shaqadeedii weeyee haddaad foori maqashiiso Jig kolkaad tiraahdid jindhac bay u soo laabataa waana la hubaaye ASBAX bay tirahdaa iyadoon kaga dhabaynayne Kolkaasaad is leysaan haddana dib u heshiisaane Soow hadda maad garan Kolkaasaad habeenka dambena meel ku aragtaaye Dabadeed waxay tiraahdaa ninyohow filimka ma i geyne Tagsigaa intii lagu rito uunbaa xamar (shanemo xamar) la geystaaye Faanto iyo waxaa loo gadaa caanaha kulule Kookakoollo iyo boollo (digaag) way dalmsanaysaaye Lacag ayan lahayn naagi way cuni taqaanaaye Xanjadaad u gaddid bay calashanaysaaye Agtaaday ka soo ramsaataa sida hashaadaaye Soow hadda maad garan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted December 19, 2005 Thanks Muraaad & Nuune! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tuujiye Posted December 19, 2005 Ninkaan is my hero...Dhoodaan is someone I will love to meet walaahi...kkkkkkkk... Waraa Nuune sxb phone kiisa ayaad kasoo qaadi laheed nin yahoo!!! majirtid yaaqee!!!! Wareer Badanaa!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haneefah Posted December 20, 2005 ^I might be able to fetch up his # for ya, laakiin maxaad ku odhan lahayd? The man is indeed quite hilarious and very creative. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted December 20, 2005 ^^Abraaray, yaa hayya isago oo maqal ah? any one, Nuune, Muraad, iyo Tuujiye? [edited] waan helay:Jacburkii Dhoodaan This is hilarious wallaahi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haashim Posted December 20, 2005 What many don't know is that Dhoodaan mucaarad buu ahaa marka JACBURKIISA macno kaluu xambaarsanaa not just as COMEDY for example this five ladies (Amaran, Ifraax, Iftin, Asli and Ardo) they said he was meant FIVE Revolutionary Supreme Council (Shanta Golaha Sare Kacaanka)the Five Top men and so on ... So these pieces aren't as they appear :cool: Aasiyo Xawaash ayaanan fahmin Amran waxaad tiraahdaa qalbigu muufo kaa noqoye Ifrax waxaad tiraahdaa dundumo soo dhacdaad tahaye Iftin waxaad tiraahdaa sidii doolligaad noqone Asli waxaad tiraahdaa adigaa jeer ka qurux wayne Ardo waxaad tiraahdaa haddaan kala maqnaanayno Waxba anigu taa kama qaboo adiyo yeelkaaye Aasiyo xawaasheey gabdhaha waad u sidataaye Waan ku soo nacnacayaa haddaan kuu imaadano e Waa inaan sidii labo is rabo kala maqnaanaaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted December 21, 2005 Murad, somalidu waxay tiraa afsomaligu waa sida margi oo kale ama waxy tiraa la jiifiyana bannaan la joojiyaana banaan! So when you listening somali songs, nothing looks innocent though! even a simple somali song can be politicized by the composer of the song itself, if not then the somalis (listeners). Thanks for Jacburka, I cant get enough of it. this man is gifted! Alamagan! Quote Share this post Link to post Share on other sites