Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabelle oo baareysa sababta ay xalay tartanka uga baaqdeen Kaxda & Waabari

Recommended Posts

Deeq A.   

Wuxuu noqon lahaa kulankii ugu dambeeyey, wareega koowaad ee tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle, haddii uu xalay dhici lahaa tartankii u dhexeeyey Kaxda iyo Waabari oo ka tirsan gobolkaan Banaadir, balse labada degmo ayaa ka baaqday barnaamijka, sababo la xariira arrimo maamul iyo mid farsamo intaba.

Xasan-Weli Sheekh Abuubakar guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka bisha Ramadaan ayaa sheegay in maamulka Shabelle uu wado baaritaan ku aadan waxa keenay in Kaxda iyo Waabari aysan soo xaadirin tartankii xiisaha badnaa ee la wada sugayey.

Sidoo kale wuxuu ku wargeliyey labada degmo in caawa uu qaabsoomi doono kulanka u dhexeeya, gaar ahaan 8:00 habeenimo,

Degmooyinka Kaxda iyo Waabari oo sidoo kale ka wada tirsan group-ka D ayaa leh dhibco siman, marka la eego natiijada tartamadii hore ee ay ka soo qeyb-galeen, waxaana mid waliba ay soo badisay hal kulan, halka min kulan kale ay barbaro soo galeen, hayeeshee degmada badisa caawa ayaa iska xaadirin doonto wareega sideed dhamaadka ee tartanka.

Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Sababta-uu-Tartanka-U-Baaqday-140520.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this