Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo sharci-darro ku tilmaamay Taliyaal uu magacaabay madaxweyne Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash ayaa sharci-darro ku tilmaamay magacaabista madaxweyne Deni magacaabay taliyaha ciidanka madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay heshay warbaahinta Puntland Post ayaa lagu sheegay in magacaabista taliyaha madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa aan lagala tashan madaxweyne ku xigeenka taasi oo ka hor-imaanaysa Dastuurka iyo xeerarka kale ee u yaal dowladda Puntland.

Dikreetada ayaa lagu caddeeyay in magacaabistaasi aysan sharciga waafaqsanayn islamarkaana G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi oo madaxweyne Deni uu xilka ka qaaday uu weli yahay taliye ku xigeenka ciidanka madaxtooyada Puntland.

Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa sidoo kale amar ku siiyay taliye ku xigeenkii madaxweyne Deni xilka ka qaaday in uusan u hoggaansamin xilka qaadista balse uu sii wato waajibaadkiisa shaqo.

Halkaan ka akhriso dikreetada

AXMED-KARAASH.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo sharci-darro ku tilmaamay Taliyaal uu magacaabay madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this