Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weerar la beegsaday Ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Galgala

Recommended Posts

Deeq A.   

Khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar Galabta malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan saldhiga Balli-Khar ee gobolka Bari.

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo iska caabiyay weerarkaasi waxaa la xaqiijiyay in ay ka dhinteen laba askari halka mid kalena ka dhaawacmay.

Sidoo kale Ciidamada ayaa malayshiyaadka Al-shabaab ka dilay saddex xubnood islamarkaana waxay kooxdaas dib ugu carareen dhinaca buuraha oo ay weerarka ka soo qaadeen.

Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegaya in malayshiyaadka Al-shabaab ay doonayeen in ay weerar gaadmo ah ku qabsadaan saldhiga Balli-Khadar balse lagu jebiyay weerarkaas.

Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish oo ku dhuumaalaysta buuraha Galgala iyo Cal-Miskaad ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku soo qaada saldhigyada Ciidamada difaaca Puntland kadib markii kooxahaas horay loogu jebiyay dagaalladii tooska ahaa.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo weerar la beegsaday Ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Galgala appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this