Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Farmaajo oo xilka ka qaaday gudoomiyihi maxkamadda gobolka iyo tii racfaanka, magacaabay kuwo cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka.

Xilkan ayaa waxaa laga qaaday Garyaqaan Muuse Maclin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Xilkan ayaa waxaa laga qaaday Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi.

Magacaabista madaxweynaha ayaa timid ayada oo dhowaan uu jiray khilaaf u dhaxeeyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha maxkamadda gobolka Muuse Maclin Maxamed, kaasi oo keenay in Baashe xilka uu ka qaado Muuse, inkasta oo Muuse uu ku gacan seeray.

Si kastaba, waxaa hadda muuqata in loolankii labada guddoomiye uu ku adkaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this