Sign in to follow this  
Deeq A.

160 qof oo ah Soomaali kala haysta dhalashada 3 dal oo galabta laga qaaday Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad gaar ah ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ka qaaday dad ku dhow 160 qof oo ku xayirmey magaalada kadib markii la joojiyey inta badanduulamaadyadii dunida, sababo la xiriira xanuunka Coronavirus.

Dadkan ayaa ah Soomaali heysta dhalashada dalalka Mareykanka, Canada iyo Britain, kuwaasi oo toddobaadyadii tegay ku go’doonsanaa caasimadda Soomaaliya

Safaarada Mareykanka oo iyadu markii hore diyaarisey duulimaadkan ayaa dooneysey in ay muwaadiniinteeda ku keento dalkan Mareykanka, hase yeeshee waxaa kusoo biiray dalalka Canada iyo UK.

Diyaarada Ethiopian Airlines ayaa galabta 4-ta galabnimo kasoo duushay Muqdisho waxaana ay dadkan geyn doontaa magaalada Addis Ababa oo ay ka dibna ka soo qaadan doonaan duulimaadyo tagaya magaalooyinka Washington DC, London iyo Toronto.

Inkasta oo safarka iyo howsha isku xirka ay qabatay safaaradda Mareykanka, haddana dadkan ayaa waxaa lagu war-geliyey inay si iskood ah tiket-ka uga goostaan shirkadda Ethiopia Airlines.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa Caasimada Online u sheegay in Ethiopian Airlines ay ku dallacday lacag aad uga badan tan caadiga ah ee lagu goosto tickidhada, ayada oo ka faa’iideysaneysa duruufta haysata dadka.

Arrintan ayaa sababta in qaar ka mid ah dadki ku xayiran Muqdisho ay goysteen inay kusii nagaadaan, ayaga oo ka biyo diiday inay lacag xad dhaaf ah bixiyaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this