Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada wasiiradda Puntland ee laga helay cudurka COVID-19 oo korodhay

Recommended Posts

Deeq A.   
Tirada wasiiradda Puntland ee laga helay cudurka COVID-19 oo korodhay
 2020514637250302656722678.jpg

Tirada wasiiradda Puntland ee laga helay cudurka Coronavirus ayaa gaadhay 4 xubnood oo dhammaantood kamid ah guddigii loo xilsaaray gurmadka dadkii ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaalada Qardho.

Labo kamid ah wasiiraddaan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in cudurka laga helay halka labo kalena aysan weli xogtooda usoo gudbin bulshada. Waxaa sidoo kale jira xildhibaano iyagana laga helay cudurka oo aan magacyadooda la helin.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaaji Siciid, ayaa noqday wasiirka labaad ee shaaciyay in laga helay covdi19, isagoo wareysi lala yeeshay ku sheegay in ay jiraan illaa  afar wasiir oo isagu kamid yahay oo cudurka laga helay.

Cabdisalaan Xaaji Siciid, wuxuu tilmaamay inuu kasoo qaaday magaalada Qardho halkaas oo ay badi ku sugnaayeen xubnaha guddiga gurmadka, balse wuxuu sheegay markii uu isku arkay calaamadaha xanuunka inuu si degeg ah kusoo aaday Garowe.

Waxaa uu sheegay inuu haatan ku karantiilan yahay gurigiisa, islamarkaaan xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay. Waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan dadkii ugu dhawaa laga qaaday baaritaanka cudurka.

Puntland, cudurka covid19 ayaa gaaray 111 kiisas, afar dhimasho ah iyo 3 bogsasho.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this